Mid Ka Mid Ah Jufooyoinka Beesha Hawiye Oo Dowlada Ugu faantey Inay Haaysato Ciidanka Ugu Badan (Video)

Beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxay soo saartay war-murtiyeed ay ku dhaleecaysay Dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana ay sheegtay in dowlada aysan wax xaquuq ah ka helin.

Waxaana Halkaasi ka hadlay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha, Kuwaasi oo sheegay waxyabaha ay ka Cabanayaan, Waxaana sidoo kale ay ku faaneen inay leeyihiin Ciidamada ugu badan ee Dawlada ku jira.

Dhawaan madaxda dowlada ayaa magacaabay Taliyeyaal ciidan iyo Maareeyeyaal kuwaas intooda badan kasoo jeeda Beesha Hawiye, waxaana magacaabistaas laga qadiyey Beesha Dir iyo kuwo kale, mana jiraan cabashooyin iyo eedeymo kasoo baxay beelaha la qadiyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE