Sarkaal Ka Mid Ah Ciidamada Dowladda Oo Ka Hadlay Fal Ka Dhacay Gobolka Sh.Hoose

Sarkaal ka mid ah saraakiisha Ciidanka Dowlada ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay dad xoolo dhaqato ah oo ku dhintay dhowaan Miino dhulka lagu aasay deegaank dhaca Sh.Hoose.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Abuukar Cabdi ayaa u sheegay Idaacadda Danan in markii hore la arki jiray Gaari Miino ay ku qaraxdo iyo qof la dilo, laakiin wali aan la arag xoolo iyo dad loo dhigayo Miino, islamarkaan ay Miinadaas ay dhibaato u geysto dad rayid ah iyo xoolahooda.

Sarkaalkan ayaa carabka ku dhuftay in dadka ay ku nool yihiin Duurka ,islamarkaana hada ay Abaar ay dalka ka jirto,waxa uuna tilmaamay in hadii ay yihiin Ciidanka Dowlada ay amar ka sugayaan Madaxda ka sareeysa ayaga si arimhaas ay wax ugu qabtaan.

Dhanka kale,  Sarkaalka ayaa tilmaamay in ciidankooda aysan haysan qalab ay ku baaraan miinada, ayna u baahan yihin in madaxda ka sareysa ay kala hadasho ciidamada Amisom in ay arintaas uga caawiyaan,waxa uuna tibaaxay in goobta ay wax ka dhaceen ay tahay meel uusan gaari gali karin ayna tahay meel duur ah.

Sarkaalka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in aan loo gurman karin dadkii qaraxa waxyeeleeyay ka hor inta aan la geynin goobta Miino baare, lagana saarin Dagaalyahanada Shabaab ee halkaas ku sugan sida uu hadalka u dhigay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran