Tuhun Badan Oo Ka Dhashay Qaraxii Ismiidaaminta Ee Maanta Lagu Qaadey Kolonyada Uu La Socdey Taliyaha Ciidamada Dowlada Ee Wasaaradda Gaashaandhigga (Warbixin)

Magaalada Muqdisho waxa maanta Qarax Ismiidaamin ah lagu qaadey kolonyo uu la socdey Taliyaha Ciidamada Xoogga, xilli Taliyaha iyo Saraakiil kale ay kasoo baxeen Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay xilalka kula wareegayeen Saraakiisha dhawaan la magacaabay.

Sida ay tilmaameyso Warbixinta Gaariga Jenaraal Cirfiid ayaa lagu dhuftey Gaariga Ismiidaaminta inkastoo Gaariga uu saarnaa uu ahaa kuwa aan xabada Karin ayaa hadana dhinaca kale waxa soo gaarey burbur xoogan.

Markii uu dhacay weerarka ayaa Saraakiil badan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga waxay su’aal ka keeneen qaraxa iyo sababta kaliftey, waxaana taasi ay dhalisey tuhun la xiriira cidda weerarka ku lugta leh.

Gaariga lagu weeraray Taliyaha ayaa sida ay tilmaamayaan warbixinada la helay waxa lagu wareejiyey habeenkii xalay, waxana Furaha Gaariga Taliyaha Gacanta u geliyey Abaan duulaha Ciidamada ee xilka laga qaadey Cali Baashi oo intii xilka uu haayey lagu xasuusto dhaqan rogankii uu lasoo baxey Ciidanka.

Waxyaabaha maanta leysla dhex maraayey ayaa ahaa tuhun xoog leh oo soo galay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo si dhow ula shaqeeya kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran