War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Sh.Hoose

Ciidamada Ammaanka ee degmada Qorooley ee gobolka Sh.Hoose ayaa maanta howlgal lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka fuliyay deegaano hoos taga degmadaas.

Ciidamada Amaanka degmada Qorooley oo ay la socdaan ciidamada Amisom ayaa maanta howlgalka ka fuliyay tuulada Maduulow oo hoos timaada degmada Qoryooley, waxayna halkaas ka soo qab qabteen rag ka tirsan kooxda Alshabaab.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in howlgalka ay maanta ka fuliyeen ay ku soo qabteen rag la tuhmayo, hubna ay ku soo qabqabteen.

Sidoo kale, ciidamada degmada Qoryooley ayaa maalintii shalay ahayd howlgal noocaan oo kale ah ka soo fuliyay deegaanka Farxaane ee halkas oo ay qasaare xoog leh ku garsiiyeen maleeshiyada Al-shabaab.

Maamulka degmada Qoryooley oo uu hogaaminayo Gudoomiye Maxamed Xaaji Xuseen ayaa muujiyay howl karnimo iyo in ay ka go’an tahay wax ka qabashada arimaha ammaanka ee degmadaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran