Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Maanta Ka Dhacey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Qaraxan Ismiidaaminta ah oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa inta la ogyahay waxa ku geeriyoodey ku dhwaad 20 ruux oo u badan dad shacab ah,.

Waxaan qaraxa uu dhacey xilli kolonyada uu la socdey Taliye Cirfiid uu kasoo baxay xaflad ay xilka kala wareegayeen saraakiisha cusub ee loo magacaabay hogaanka Milateriga Soomaaliya

Sida ay ku waramayaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Taliyaha ayaa ka bad baaday weerarkan la doonayay in lagu khaarijiyo , waxaana waxyeelo ugu badan ee weerarkan ay soo gaartey dad shacab ah oo u badnaa kuwa saarnaa gaadiid nuuca dadweynaha oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa intooda badan la dhigey isbitaalada ku yaalla magaalada, Qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ayaa kusii kordhaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE