Weerar Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Lagu Qaadey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Magaalada Muqdisho

Waxa goordhow weerar ismiidaamin ah lagu qaadey Kolonyo Ciidan oo kasoo baxdey dhismaha Wasaardda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya halkaas oo ay ka socotey xafdladda xilka ay ku kala wareegayaan Madaxda Cusub ee Ciidamada.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu weeraray Kolonyada oo la aaminsanyahay in uu saarnaa Taliyaha Cusub ee Ciidamada xoogga Generaal Cirfiid, waxaana halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar hordhac oo la helaayo ayaa sheegaya in Genaraalka uu ka badbaadey qaraxa hase haatee ay waxyeelo kasoo gaartey Ciidamada la socdey kolonyada iyo dad kaloo shacab ah oo maraayey wadada weerarka ka dhacey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE