Dhageyso Faalo Waa Fiican Tihiine Bal fiiriya Ficilada Idinka Horeeya

Dhowaan madaxweynaha iyo Ra`iisul wasaaraha waxay isbedel ku sameeyeen Taliyaasha  laamaha Amniga soomaaliya  Sida Milatariga,Booliiska,Nabad Sugida iyo Asluubta.

Waxaana loo magacaabay Taliyaal  xilalkaan horay qaarkood u soo qabtay sida nabad sugida iyo booliiska  Sanbaloolshe iyo saacid.

Siyaasiyiinta la dhacsan Taliyaashaan lamagacaabay  waxay sheegaan in ay la imaan doonaan howl hagaagsan,halka kuwa dhaliisha qabana ay ifinayaan  in saraakiishii ka horeysay wadadii ay qaadeen  mid ka duwan aanay laga sugaynin.

Waxaa hada horyaal saraakiisha  wado qodxo iyo dhagaxaan miiran ah waajibna ay ku tahay maritaankeeda  si soomaaliya  geediga dheer ee gashiinka mooyee nagaasha lahan loogu gudbo. Dabcan waa fahanteen ayaa filayaa meesha aan ula jeedo markii aan kahadlayno xaalada amaan ee soomaaliya.

Taliyaasha waa in ay ogaadaan  ciidanka ay madaxda uyihiin inta saxda ah ee ka go,an daacad nimada dalkooda iyo ilaalinta xuquuqda shacabka ay u xidheen dareeska iyo qoriga.

Waxaa jira kuwo  xiran dareeska iyo qoryaha  oo bulshada ay ka cawdaan  markii saraakiisha ka sareysa lajoogaana iska dhiga raga ugu Aadaabta badan ciidanka.

Sargaalka waaya Araga ah kuwaas oo kale  waa uu garan karaa ficlan iyadoo aaney loo tilmaamin.

Waxaa kaloo jiri kara  kuwo dhinac kale si hoose ula shaqeeya dhaqaaleba ha ugu xishaane hadii la doono waxaa ku jiri kara saraakiil ay adagtahay in howshooda la ogaado  Waasa la ogaan karaa hadii daacad nimo ay jirto.

Waxaan leeyahay waa tii geedka uu yiri gudane ima gosyseen hadii gabalkayga kuugu jirin waxaan ula jeedaa  amnidaro madhacdeen, xaruna lama weerareen Mas`uulna lama qarxiyeen iyadoo meelkasta ay taataagan yihiin ciidamada dowlada soomaaliya.

Hadii taliyaasha arimahaas  sixirfad ku dhehantahay  ugu howl galaan waxaa xaqiiqa ah in amaanka uu gacanta ugalayo hay`adaha dowlada, shacabkana ay ku diirsan doonaan xaalada maan ee baadi goobka loogu jira hadii ay dhaqan gashana arimahaas waa tilaabo aan horay loo qaadin waasa loo riyaaqi doonaan arimahaas.

Ku darsada dhinaca idinka soo horjeeda waa waxa la idiinku xardhay derajada aad ku xaragootaan.

Soo afjarida arimahaas  waxay ka mid tahay  ka talaabida  wado qodaxo iyo dhagaxaan dhax yaalaan.

Waa muhiim tirada ciidanka aad madaxda utihiin iyo lanbarka saxda ah  ee ciidanka, ka warhanta  Askarta xerada dibada ugu baxaya waa sida uu dhigayo sharciga ciidanka, dabcan idinkuna ma moogadiin sharcigaas.

Ina haas oo dhan waa qaabka aan isleeyahay waa tan kaliya  ee guul lawada sugayo lagu gaari karo.

Saraakiisha lamagacaabay ee booliiska Milatariga,Nabad sugida iyo Asloobta  ilama,ahan ka baaraan degid la,aan  in madaxda idinka xusheen kuwa idin lamidka ah  dabcan waa waxa keenay in la,idin magacaabo  waa in aad ka fogaataan erayga ah ina,adeer iyo saaxiib

Sida awgeed  waa fiican tihiine bal fiiriya ficilada idinka horeeya

WaXa diyaariyay weriye faarax ibraahim yacquub

Email Gumeysidiid5@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran