Dhageyso Saraakiil Ku Geeriyoodey Weerarkii Ismiidaaminta Ee Lagu Qaadey Xerada Warshaddii Hore Ee Nacnaca Ee Magaalada Muqdisho

Weerar Ismiidaamin ah oo fuliyey ruux soo xirtey dharka Ciidanka Milateriga ayaa waxa uu ka dhacey Xero oo ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir halkaas oo ay tawabar ku qaataan Ciidamo ka tirsan kuwo dowlada.

Ninka qaraxa fuliyey oo gudaha u galay Xerada Warshadii hore ee Nacnaca ayaa isku dhex qarxiyey goob ay joogeen saraakiil ka tirsan kuwo tabarka ka bixiya Xerada, waxaana lasoo sheegayaa in ay halkaas ku dhinteen ku dhawaad 12 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil kla aderaja sareeya.

Qaar ka mid ah magacayada Saraakiisha Weerarka ku geeriyoodey oo ay heshay warbaahinya aya kala ah Madaxii Tababarada ee Xerada Warshadii hore ee Nacnaca Korneel Badri Sheekh Aadan, Macalimiin Milateriga oo ay ka mid yihiin Korneel Bilaawe Cadde, 2-xidigle Cabdi Xakiin iyo G/dhexe Abuukar Dheere.

Weli wax war ah kama soo bixin dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya, waxaana ams’uuliyaddan qaraxa dhabarka saartey kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE