Faafaahinno Kasoo Baxaya Qarax Maanta Lagu Qaarijiyey Sarkaal Ka Tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada Ee Dowlada Fedaraalka

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday miino loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay goob u dhow Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabay C/qaadir Cismaan Faarax (Dr yare) ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi, sida uu u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee SONA Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray cutubyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya, si ay u sameeyaan baaritaanno.

Ma jirto cid ama koox sheegatay inay masuul ka yihiin qaraxa lagu khaarijiyay sarkaalkaasi, hase yeeshee kooxda Al-shabaab ayaa qaraxyo noocan kale ku bartilmaameedsada saraakiisha dowlada federaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran