Gaadiidleyda Ku Safreysa Wadooyinka Gobolka Shabeelada Hoose Oo Ka Cabanaya Maleeshiyada Wasaaradda Gaashaandhigga

Gaadiidleyda isticmaasha qaar ka mid ah Wadooyinka Gobolka Shabeelada hoose ayaa ka cabanaya Maleeshiyada ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana ay sheegeen in ay ku badiyeen isbaarooyinkii yiilay Wadooyinka qaar ee Gobolka.

Darawalada Gaadiidka ee isticmaala inta u dhaxeysa Muqdisho ilaa degmada Wanlaweyn ayaa tilmaamey in ay dhibaatooyin ay kala kulmaan askar wadata dareska Milateriga kuwaas oo ka qaada lacago baad ah, waxaana sii dheer lacagaha in mararka qaar ay la kulmaan dhac iyo kufsi lagula kaco rakaabka gaariga saaran.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa ka codsadey Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan tacadiyada ay geysanayaan Maleeshiyaad aan laheyn aqlaaq ciidan iyo mid dowladeed midna oo qaati ay ka taagnyihiin Shacabka.

Wadooyinka qaar ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa isboorooyin ay u taalaa Maleeshiyaad qabiil oo ka amar qaata Wasaaradda Gaashaadhigga Xukuumadda Soomaaliya, waxaana Maleeshiyadan lacagaha ay qaataan la wadaaga Saraakiila ka tirsan Ciidamada xoogga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE