Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Iyo Saraakiisha Deegaanka Oo Kulamo Iyo Wadatashiyo Ka Wada Duleedka Magaalada Marka

Gudoomiyaha Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo dhawaan gaaray deegaano duleedka ka ah Magaalada Marka ayaa halkaas ka bilaabey kulamo iyo shirar Wadatashi ah.

Kulamo si kala gooni ah loola yeelanaayey Saraakiisha qaabilsan difaacyada Marka iyo Ceeljaale, Odoyaasha, Haweenka iyo qeybaha bulshada ayaa looga gol lahaa sidii loo dhameystiri lahaa xoreynta deegaano badan oo ku yaalla Gobolka oo ay maamulaan sharwadayaasha Alshabaab iyo Mooryaanta Gobolada dhexe.

Warar hoose oo ay heleyso Shabakadda Markacdey.com ayaa ku waramaya in shirarka iyo kulamada lagu go’aamiyey in si wada jir ah loo qaado weeraro lagu baacsanayo kuwo kasoo horjeeda hormarka deegaanka, waxaana sidoo kale lagu balamay in deegaanada kale ee Gobolka lagu fidiyo dagaalada si looga fara maroojiyo kuwo xoogga ku jooga.

Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa sanooyinkii lasoo dhaafey waxa ka socdey dagaalo wajiyo kala duwan leh, waxaana dagaaladaas horseed ka ahaa dowlada Xasan Sheekh Maxamuud, markii dowladaas dagaalada ay u caal waaysay ayaa waxa shaqada kala wareegay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo kasoo jeeda Gobolada dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE