Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Oo CaawaKu Hoyanaya Deegaanweynaha Ceeljaalle (Sawiro)

Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada deegaanka ayaa gelinkii dambe ee manta gaarey deegaanka Ceeljaalle ee duleedka magaalada Marka.

Wafdiga oo maalmahan ku sugnaa deegaanka Buufow bacaad ayaa waxay halkaas ka wadeen kulamo iyo wadatashiyo la xiriira xaalada deegaanka, waxaana gelinkii dambe ee manta u suuragashay inay gaaraan Ceeljaale halkaas oo ay kasii wadi doonaan kulamada la xiriira wadatashiyada.

Dad weyne aad u badan ayaa safnaa wadooyinka qaar ee deegaanka kuwaas oo u diyaarsanaa sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen Wafdiga Saraakiisha, waxaana lagu wadaa in maalinta berita ah sida caadada aheyd in meel fagaare ah uu kula hadlo dadweynaha.

Wixii warar ah ee kusoo kordha safarka Ceeljaalle wararkeena dambe ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE