Kooxda Alshabaab Oo Amar Ku Bixisey In Laga Guuro Deegaano Dhowra Ah Oo Hoos Taga Magaalada Marka

Amar kasoo baxey Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa la dul dhigey qoysas ku dhaqan deegaano hoos taga magaalada ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Qoysas u badan xoola dhaqato iyo Beeraley ayaa Alshabaab waxay ku amreen in ay isaga guuraan deegaanada ay ku dhaqanyihiin, waxaana ay u qabteen muddo 24 saac ah oo saake ka bilaabatey.

Deegaanada kala ah Buula Samow, Raaga Dheere, Maclin Cusmaan, iyo deegaanka Buulgaruun ayaa shacabka lagu amrey inay uga guuraan dhinaca Koonfur ee wabiga ku aadan, waxaana la ogeyn sababta arintan ka dambeysa.

Bilooyinkii lasoo dhaafey Alshabaab ayaa weeraro joogta ah ku haayey dadka ku dhaqan deegaano hoos taga Gobolka Shabeelada hoose, waxaana la aaminsanyahay in qorshahan ay fulinayaan horjoogayaal huwan magaca Alshabaab hase ahaatee qalbiga ka qabiileysan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE