Maamulka Koonfur galbeed Oo Markii Ugu Horeysay Hawada Soo Geliyey Telefishin Ku Hadla Afka Maamulka

Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa maanta hawada uu soo geliyey Telefeshin ku hadli doona Afka Maamulka.

Telefeshinkan oo wax badan kaga duwanaan doona sida la sheegay Tv-yada kele ee ku hadla Afka Soomaaliya ayaa waxa uu kasoo galey Thaicom Satellite, Frequency 04113, Horizontal Symbol Rate: 13333, waxaana hawada uu ku jiri doona muddo 24 saacadood ah.

Telefishinka “Southwest State Television” oo maalmihii lasoo dhaafey lagu howlanaa dejinta siyaasaddiisa ayaa waxa ka qeyb galey rag khubara ah oo wax badan kusoo dhex jirey Mihnada Saxaafadda, waxaana inta badan barnaamijyadiisa ay noqon doonaan kuwa ku baxa lahjada Maayga.

Maamulka Koonfur galbeed oo ka mid ah Maamulada ugu liita Maamulada kale ee dalka ka jira ayaa horey u lahaa Idaacad Radio maqal ah, mana jirin idaacadaas oo baahineysa waxqabadka Maamulka, maadaama inta badan Maamulka uu fadhiid ahaa.

Waxa la aaminsanyahay hadii siyaasad iyo qorshe dhab aan loo helin Telefishinkaan cusub in deg deg ay ku fashilmi doonaan howlihiisa, sida ay qabaan dadka wax  odorasa islamarkaana aaminsan sida loo adeegsado aaladaha warbaahinta.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE