Maamulka Shirkadda Hormuud Oo Kala Doortey Dhaqaale Burbur Iyo Xilka Qaadista Kaaba Mooryaan Cabdikariin Shiino

Ka dib sanado Mukulaal madow uu ka ahaa Xarunta Hormuud ee magaalada Marka, Maamulka ugu sareeya Shirkadda Hormuud ayaa soo saarey shaqa ka joojin lagu sameeyey kaaba Mooryaan Cabdikariin Shiino.

Sida laga soo xigtey Howlwadeenada Shirkadda ee sida cabsida ay ku jirta uga shaqeeya Xarunta ku taalla magaalada Magaalada Marka, gaar ahaa Wadada Wajeer ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey Beddelka Kaaba Mooryaankii bixin jirey dhaqaalaha Mooryaanta Burcadbadeeda ku sugan ee kusoo duushay Magaalada Marka.

Kaaba Mooryaankan ayaa in mudda ah Mukulaal madow ka ahaa Shirkadda Hormuud laanteeda Marka, waxaana madaxda sare ay ka dhega adeegayeen baaqyo isdaba joog ahaa oo kasoo baxaayey bulshada, waxaana in badan maamulka sare loogu baaqey in ay kala doortaan dhaqaale bur bur ku yimaada xarumahooda iyo kaaba qabiilkaas oo laga hor wareejiyo Shacabka si looga nabad galo dhagartiisa.

Inkastoo Maamulka Sare Ee Hormuud ay ka dhega adeegeen baaqyada loosoo jeediyo wax badan taas oo ay ka dhaxleen dhibaatooyin aan lasoo koobi Karin ayaa ugu dambeyn lasoo saarey war cad oo ku saabsan xil ka qaadis dhagar qabe Shiino.

Seddaxdii sano oo lasoo dhaafey Kaaba qabiil Shiino ayaa Shirkadda ka maamulaayey Muqdisho, waxaana xarunta Marka joogey dad ku shaqeyn jirey Amarkiisa, waxaana inta uu maamulka haaystey uu ku sifoobey ku tagri fal awoodee iyo tacadiyo lagula kaco qaar ka mid ah shaqaalaha.

Bishii lasoo dhaafey Dhagar qabe Cabdikariin ayaa waxa Mushaharka uu ka jarey shaqaale ka tirsan Shirkadda waxaana uu ku eedeeyey in ay ka dhega adeegeen amarkiisa, xarunta Marka ayaa waxa ku sugan shaqaale marna ka qeyb qaata barakicinta shacabka marna shaqada shirkadda qabta.

Maamlmihii lasoo dhaafey baraha Bulshada ayaa waxa lagu arkey Sawiro iyo Warbxinino ku keydsanaa qeybta xog keydinta Shirkadda, waxaana xogahaas iyo Sawiradaas isticmaaley Mooryaan uu dhalay Cabdikariin Shiino oo ka mid ah Tuugada dadka baadda ee Marka ku sugan.

Baahinta Sawiradaas ayaa dad badan u muujiyey in Kaaba Mooryaan Cabdikariin Shiino iyo Wiilasha ku lugta leh dagaalada Marka inay xaruntaas ka dhigteen sidii Guri ay maamushaan, waxaana dad badan ku adkaatey ka jawaabidda sida lagu helay Sawirada shaqaale ka tirsan Hormuud oo ku jirey qeybta xog keydinta Shirkadda.

Xarunta magaalada Marka xilligan waxa Maamule ka ah Nin lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hoos shaqeyn jirey dhagar qabe Cabdikariin, mana awoodo ninkan in uu xakameeyo xogaha shirkadda u keydsan, maadaama uu ahaa shakhsi la maamulo.

Guud ahaan waxgaradka Magaalada Marka ayaa siyaabooyin kala duwan usoo dhaweeyey xil ka qaadista dhagar qabe Cabdikariin Shiino waaba hadii ay sax tahaye, waxaana waxgaradka ay sheegeen ilaa in muddo in ay jiri doonto dhagarta Kaaba Mooryaankaas la bedelay maadaama xarunta Marka uu ku tallaaley kaxar (dad dhib badan oo sidiisa camal u shaqeenaya).

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE