Maxay Tahay Sababta Loo Magcaabi La’yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Koonfur galbeed (Xog)

Maamulka Koonfur galbeed ayaa in ka badan laba sano iyo bar ku shaqeenayey Madaxweyne ku xigeen la’aan iyo Gole Wasiiro oo shaqeeya, waxaana maalmihii lasoo dhaafey la saadaalinayey in la dhameystiro dhismaha Maamulka.

Sida laaminsanaa Maamulka Shariif ka hor furitaaka Kal-fadhiga Baarlamaanka waxa la sugayey magaabista Gole Wasiiro oo shaqeeya iyo Madaxweyne ku xigeenayaal shaqada qabta marka uu maqanyahay Madaxweynaha.

Waxa soo baxaya in Shariif Xasan uu ku dhiiran la’yahay magacaabista madaxweynaha, waxaana taas loo sababeeyey baqdin labadii sano ee lasoo dhaafey ka haaysay cidda noqoneysa ku xigeenka labaad marka la magacaabo ku xigeenka koowaad.

Sida dad badan ay aaminsanyihiin Madaxweyne ku xigeenka koowaad ayaa waxa u taagan Siyaasi kasoo jeeda Beesha Biimaal, gaar ahaa Ninka lagu sheego ku simaha Madaxweynah oo tan iyo dhismihii Maamulka soo sugayey xilkaas in loo magacaabo.

Sida cad ma jirto beel kale ama siyaasi aan aheyn Maxamed Xasan oo hunguri uu ka haayo xilkaasi sida dhaxalka oo kale loo sugayo, hase ahaatee waa dhici kartaa in ay jiri karaan dad si hoose Shariif arinkaasi ugala xoojoodey.

Waxa khilaaf iyo kooxeysi uu ka tagnaa cidda qaadaneysa Madaxweyne ku xigeenka labaad oo hogaamiye Shariif Miiska uu u saarey Beesha Hawiye, bilowgii dhismaha Maamulka, waxa aad loo hadal haayey in kursigaas ay qaadan doonto Beesha Wacdaan oo aanay jirin beel kale xaq oo u leh magaabidda laakiin waxa jira jilaafooyin ay ciyaareen Beelaha Abgaal iyo Habargidir oo sababtey in Wacdaan laga leexiyo Kursiga.

Shariif Xasan oo maanka ku haaya hadii uu magacaabo Siyaasi Gobolada dhexe kasoo jeedo halka uu ku dambeyn doono Maamulkaasi ayaa labadii sano ee lasoo dhaafey dib u dhigaayey in uu shaaciyo cidda qaadaneysa kurisga, waxaana taas ay keentey in kusrigii Maxamed Xasan uu ku gowracnaado kii muranka uu ka taagnaa.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran