Taliyaha Boliiska Soomaaliya Oo Maanta Xilka Kala Wareegey Taliyihii Hore Ee Ciidamada (Sawiro)

Taliyaha Cusub ee ciidamanka booliska Soomaaliyed C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa Maanta xarunta dugsiga tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee Ganaral Kaahiye, wuxuu xilka kala wareegay taliyihii hore Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabadda xilwareejinta oo uu  ka qaybgalay  wasiirka wasaaradda amniga Maxamed Abuukar Islow(Ducaale), waxaa ugu horrayn ka hadlay Taliyihii horre  oo ku dheeraaday waxqabadkii mudada xilka uu hayay iyo waxyaabihii usuurta galay.

Taliyaha cusub  sareeyo guuto C/xakiin daahir saciid saacid ayaa u mahadceliyay taliyihii horre shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay, isagoo ballanqaaday inuu halkaa ka sii wadayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran