Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Khasaara Dhaliyey Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxa xaley ka dhacey dagaal dhex maray Ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya hase ahaatee laba talis kala hoos taga.

Dagaalka oo saacado qaatey ayaa waxa uu ka dhacey inta u dhaxeysaisgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka xoogga, waxaana lagu waramayaa in uu u dhaxeeyey Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda iyo kuwo Milateri oo ay Tawabar siiyeen Imaaraadka.

Sababah ka dambeeya dagaalka ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxaana la sheegayaa in uu dagaalka yimid ka dib markii Ciidamada Nabad sugidda ay isku dayeen in ay howlgal sameeyaan saasna ay xabada labada dhinac uga dhex dhacdey.

Xalay 11:20 habeennio ayaa saraakiil ka tirsan dowlada ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan labada ciidan ee dagaalku u dhaxeeyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE