Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Oo Maanta Tababar Ciidan Usoo Xirey Ciidan Cusub (Sawiro)

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta ayaa magaalada Muqdisho Tababar Ciidan wuxuu ugu soo xirey Ciidamo Cusub lagu tawabaray Xerada Tawabarka Ciidanka ee Imaaraadka.

Ciidanka cusub ayaa intii ay tababarka qaadaneen la barayey farsamooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin sida ay isaga badbaadin karaan hadii uu ku yimaado weerar kedis ah, sida loo ilaaliyo Madaxda iyo yareynta khasaare hadii ay qaadaan weeraro qorsheysan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho Tawabaro kala duwan ku siisey dhalin yaro Soomaaliyeed oo loo diyaarinaay difaaca iyo xoreynta dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran