Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacey Magaalada Muqdisho

Weerar ismiidaamin oo fuliyey ruux naftii hallige ah ayaa manta waxa uu ka dhacey magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ku xirnaa nin kusoo labistey dharka ciidanka ayaa isku hor qarxiyey warshada nacnaca oo ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya.

Warar hordhac oo kasoo baxaya khasaaraha weerarka ayaa ku waramaya in afar askari ay ku geeriyootey tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo la sheegayo in uu jiro bur bur soo gaarey goobta ay wax ka dhaceen.

Magaalada Muqdisho waxa kusii kordhaya weerarada qaraxyada iyo kuwo dilalka, waxaana la sheegin sababta xilligani keentey in ay kordhaan weerarada waxyeelada geysanaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE