Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Thaabit Cabdi oo dhowaan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Thaabit Cabdi oo horey u ahaa Qunsulka Safaaradda Somaliya ee dalka Mareykanka ayaa markii la magacaabayey ku maqnaa dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa guddoomiyaha cusub ku soo dhoweyeay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta gudoomiyaha cusub uu xilka kala wareego gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran