Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow Oo La Sheegay In Uu Iska Casiley Xilkii Uu Haayey

Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo in mudda ah ku adkeysanayey in uu yahay Gudoomiyaha saxda ah ee Magaalada Marka ayaa ku dhwaaqey in uu iska casilay xilkaasi

Cod maqal ah oo lagu baahiyey baraha ay ku xiriirto Bulshada ayaa Yariisow waxa uu ku sheegay in ka tanaasuley xilka islamarkaana uu ka tagey sheegashada Gudoomiyaha Maamulka Marka, isagoo sheegay inaaney jirin cid ku qasabtey in uu tanaasulo.

Yariisow ma faafaahinin sababah kalifey in uu ka tago xilka hase ahaatee waxa uu carabaaabey  in ay ku dhalisey arimo isaga uu gaar ah oo uu ka gaabsadey sheegistooda.

Waxa uu cafis weydiistey dhamaan bushada ku dhaqan magaalada Marka iyo nawaaxigeeda, waxaana uu yiri “hadii ya jiraan dad wax iga tabanayaa, ama qalad aan ka galey intii aan xilka haayey ha cafiyaano”.

Hadalkiisa ayaa Maxamed Cusmaan Cali Yariisow uu kusoo qatimey in xilliga codka uu duubaayey wixii ka dambeeya uu yahay qof rayid ah una baahan in la maamulo, “waxaana ahay xilligaas wixii ka dambeeyay qof shacab ah, haley maamulo”.

Maxamed Cusmaan Cali Yariisow ayaa sanadii 2013kii loo magaaacaabey Gudoomiyaha Magaalada Marka, waxaana 2014-kii dagaalo ay soo qaadeen Mooryaanta Gobalada dhexe uu sababey in Maamulka la afgembiyo.

Cudur-daar Waxaan ka cudur daaraheenaa inaan soo gudbin weyney Codka Yariisow uu isku casilaye sababo jira aawadeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE