Gudooomiye Cabdulaahi Waafow Oo Magaalada Marka Kaga Dhawaaqey In Uu Dhamaadey Dagaal Beeleed Hase ahaatee Ay Wajahayaan Dagaal U Dhaxeeya Dadka Deegaanka Iyo …..

Gudoomiye Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo maalmahan socdaallo ku jooga Magaalada Marka iyo nawaaxigeeda ayaa waxa uu ku dhawaaqey in uu dhamaadey wax la yiraahdo dagaal beeleed.

Kulan uu la qaatey qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Gudoomiyaha uu ka sheegay inay soo wadeen dagaal u dhaxeeyey Beesha Biimaal iyo Beel dhul boob u socotey oo kasoo duushey Gobolada dhexe hase haatee dagaalkaas ay ku adkaadeeen uuna dhamaadey.

Waxa guulo la taaban karo uu ka sheegay inay ka gaareen dagaaladii ay lasoo galeen Mooryaantii soo duushey ayna ka laayeen Saraakiil kala duwan oo ku shaqeeneysey magac Dowlada laakiin dhibaato hab beeleed ah ka wadey Gobolka Shabeelada hoose.

Dadkii kulanka uu la qaatey ayuu xasuusiyey in ay dib u milicsadaan dhulkii faraha badnaa ee lagula dagaalamey Mooryaanta Gobolada dhexe inay ku jabeen oo ay ka sal guureen.

Waxa uu tusaale usoo qaatey Garoonka diyaaadaha Nambar 50 oo qab qablayaal kasoo jeeda Gobolada dhexe ay sheegan jireen lahaanshihiisa hada aan sheegan Karin dhul Gobolka ka mid ah oo ay u cadaatey in ay waxba ka cuni doonin.

Waxa uu dhinaca kale sheegay In Beesha Biimaal ay wajaheyso dagaal ay soo qaadeen Niman Burcad diimeed ah oo wajiyo badan kuwaas oo kasoo horjeeda sida uu tilmaamey degenaashaha deegaanka.

Bulshada ayuu ugu baaqey in ay u midoobaan Maleeshiyaadka Baneystey dhiigga Shacabka iyo hantidooda kuwaas oo ku gambanayaa Diin, laakiin waxa ay wadaan uu yahay dulmi iyo daandaansi.

Mar uu ka hadlaayey haraadiga Mooryaanta Gobolada dhexe ee weli ku dhuumaaleysanaysa dhismayaasha kooban ee Marka ku yaalla ayuu sheegay in ay yihiin koox caloosha u shqeystayaal ah oo la safan Shabaabka haaysta Magaalada, ayna difaacayaan hadafka kooxda.

Ciidamada deegaanka ayaa bilihii lasoo dhaafey wadey dagaal ay kala horjeedeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran