Madaxweynaha Puntland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Dhaaweeyey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport Masuuliyiin ka tirsan DFS oo isugu jirey Wasiirro iyo xildhibano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweyna iyo weftigiisa ayaa salka ku yahay shir ay Muqdisho ku yeelan doonaan malinimada berito Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Maamulada xubnaha Ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaliya.

Shirka ayaa waxaa lagaga arrinsan doonaa arrimo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya Dawladda Fadaralka iyo dhammaan Maamul Goboleedyada, Amniga guud ee dalka iyo sidoo kale shirka dhawaan ka dhici doona maalada London ee waddanka UK oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE