Maxay Tahay Siyaasadda Ingiriiska Ee Ku Wajahan Soomaaliya….? W/Q Maxamed Caalim

Sida Soomaalidu wada xasuusato Boqortooyada ingiriisku waxay ahayd dawladii ugu horaysay ee bixisa ama qaybisa dhulka soomaaliya. Taariikhdu waxay ku baraysaa in saxiibka xun Goorkasta yahay saxiib xun ee aad leedahay.inta dhibaatadii uu kugu sameeyey anuu xal u helin.

Waxaad kaloo ogtihiin in jaaliyadda soomaalida ee ku nool wadanka ingiriiska markasta Lagu af-lagaadeeyo saxaafada Gudaha ee wadanka ingiriiska si gaara iyadoo aan jaaliyadaha kale aan si toos ha magacooda loo soo qaadan. Arinkaa waa soo bandhigay xafiiska la yirahdo Office for National Statistics UK. 2016. Dad badan ayaan fahansanayn waxa dawlada ingiriiska ay safaarad uga furatey wadanka Soomaaliya gaar ahaan muqdisho waana wadankii ugu horeeyey ee reer galbeed ah.

Wuxuuna si dhaqsi ah u dhisay dhismaha safaarada cusub taas oo loo qabtay xaflado waa weyn oo siyaasad ka danbayso sida maalinta dhalashada boqorada ingiriiska.

Waxaa safaaradaa ka socda hawlo badan oo dadka soomaaliyeed lagu wacyi galinayo. Awooda iyo sharafta Boqortooyada ingiriiska Marka aan taariikhda dib ugu noqdo waqtigii aan xoriyadda Qaadanay wax yar ka dib waxaan xiriirka u jarnay dawladda ingiriiska markay si bareer ah dhulkii Soomaaliyeed ee NFD tiri waa gobal ka mid ah dhulka kenya.

Dhibaatadaa waxay keentay in shacabka soomaaliyeed iyo siyaasiyiin toodu colaad u qaadaan dawlada ingiriiska sida aad wada ogtihiin dhammaan madaxweynayashii Soomaaliya soomaray ‎1960 -1991 madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke iyo Madaxweyne Maxamed siyaad Bare dhammaantood wax xirri ah oo wanaagsen lama yeelan boqortooyada ingiriiska. Arinkaan waxaa u sabab muranka uu galiyey dhukii Soomaaliweyn.

Waxaa Taariikhdaa madow ka mid ah dhibaatada ay maanta nagu hayaan dawladaha dariska ah sida Kenya iyo itoobiya Waxaa kaloo wax lala yabo ah waxaa waqti sidaa aan u fogeyn dawlada ingiriisku soo bandhigtey qoraal ay ugu magacdareen warqadii sirta warqadaa waxaa ku qornaa hadalo dhaleeceenaya soomaaliweyn iyo siyaasadii xisbigii SYL.

Su’aashu waa maxaa ku qornaa warqada sirta ee dawladda ingiriisku qortay markaan xoriyada qaadaney 1960.

“Dadkii ka tirsanaa ciidanka sirta ee waqtigaa waxay sheegeen in Midnimada Soomaaliya oo ah mid aan cago adag ku taagneyn, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwo aan wadaniyiin ahayn balse taageerada ugu weyn u haya Diinta islaamka iyo Qabaa’ilkooda iyo reerahooda…”

Qoraalkan sirta ah ee la qoray 1960kii waxaa diyaariyay guddiga Sare ee Sirdoonka Ingiriiska [the joint intelligence committee] waxayna sanadkii 1960kii ka sii digeen in dalka Soomaaliya la filayo inay ka dhacaan dagaalo sokeeyo oo qabaa’il salka ku haya.

“Walow midnimada Soomaaliya ay jirto “Qiiro” xoog leh oo loo qabo, hase yeeshee Soomaalidu waxay wax walba ka hormariyaan Qabiilka iyo Danaha deegaankooda”. Sidaa ayey waqtigaa sheegeen ee arinka saxda ah waa waligeen cadawgeenu wuxuu ka shaqeynayaa inaan soomaali colaad ka bixin Halkaa waxaad ka ogaaneysaa Farqiga u dhaxeeya Gumaysiga Talyaaniga, Gumaysiga Faransiiska iyo Gumaysiga ingiriiska.

Dawlada ingiriisku way ogtahay inay godob ka galeen shacabka soomaaliyeed. Markasta waxay Raadiyaan inay ku tusaan wajiga siyaasada ee wanaagsan Maxay yihiin siyaasada ka danbaysa shirarka ka dhacaya magaalada London sanadihii ugu danbeeyey ‎2012 – 2017 sidaan u malaynayo waa siyaasad qota dheer oo lagu hirgalinayo ujeedooyin ay wadato dawlada ingiriisku. Waqti dhow iyo mid waqti dheer intuba isugu jirta.

Waxaan go’aansaday inaan Falanqeeyo arimaha siyaasadeed ee Qiyaanadu ku jirto ee dawlada ingiriisku wadato. Waxaa jira sadax arimood oo muujinaya in laga shakiyo siyaasada Qarsoon ee dawlada ingiriiska.

Su’aashu waa maxay tahay u jeeda ka danbaysa inay Dawlada ingiriisku qaadato dhismaha mashruuca ciidanka qaranka ee soomaaliya SNA.? Waxaa shaki laga qabaa hada ka hor ilaa waqtigii xoriyadda iyo waqtigii dawladnimada soomaaliya waxay xiriirka milateriga la lahayd dawladaha talyaaniga Ruushka iyo Masar.

Su’aasha kale waa .maxaa keenay in dawlada in giriisku ay aad u xoojiso dagaalka lagu hayo kooxa ah shabaab iyo dhalinyaro badan oo asalkoodu yahay soomaalida UK oo aad ugu biirta kooxaha alshabaab iyo kooxda kale ee Daacish.

Su’aasha kale waxaa shaki laga muujinayaa markii madaxweynaha Turkiga Rcep Tayyip Erdogan oo dhawr jeer tagey Soomaaliya isagoo ahaa raysal wasaare 2011 safar Taariikhi ahaa ku yimid Soomaliya wuxuu hogaaminayey wafti balaaran muxuuna balan qaadey mashaariic baden oo wax baden ka badelay muuqaalkii caasimada muqdisho.

Wixii safarkaa ka dambeeyey waxay dawladda Ingiriisku bilowdey inay xiriir la yeelato dawladdii ku meel-gaarka ahayd ee madaxweyne Sheekh shariif Sh Axmed waxayna u soo dirtay casuumada dhaqso ah in uu London ku yimaado.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sh Axmed waa siyaasiga kaliya ee soomaaliyeed ee wax baden ka og xiriirka labada dawladood ee Turkiga iyo ingiriiska labaduba waxay Soomaaliya yimaadeen waqtiga uu ahaa madaxweyne ku meel gaara.

Wixii intaa ka dan beeyey labadan dawladood waxay ku tartamayaan inay dawladda Soomaaliya ka waaciyaan arimaha isku mida inkastoo doorka Igiriisku uu san muuqan.

1)dhismaha Ciidanka
2)dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha
3)La dagaalanka Burcad-badeedda
4)La dagaalanka Argagaxisada
5)Qaxootiga Soomaalida sidi loo caawin lahaa

Sidaan wada ognahay in sadax mudane oo wada ah xoghayaal arimadibadeed ee dawlada ingiriiska ay booqasho siyaasadeed ku yimaadaan wadanka soomaaliya 2012 ilaa 2017 sadexdaas oo kala ahaa William Hague, Philip , Hammond iyo Boris Johnson .

arinkan wuxuu marqaati ka yahay sida ay Dawladda ingiriisku u daneynayso siyaasada soomaaliya waxaa ay qabatay sadex shir oo caalami ah. shirarkaa ayaa waxaa dhaqaale loogu aruurinayay dhismaha soomaaliyada cusub ee Faderaalka noqotey.

Waxaa kaloo iyana la mid ah Dawlada Turkiga oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan isagoo Raysal wasaare ah Tegay Soomaaliya marna isagoo madaxweyne ah. Waxay dawlada Turkigu qabatey laba shir oo caalami ah oo la mida kuwa lagu qabtey London. Dawladda Turkigu waxay shirarkaa u qabatey in dhaqaale loogu aruuriyo sidii loo dhisilahaa soomaaliyada cusub labada wadan waxay isaga mid yihiin inay saxiib dhaw ka dhigtaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ay su’aashu tahay maxaa keenay in madaxda labada Dawladood ee ingiriiska iyo Turkiga oo kaliya ay booqdaan Soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho. Aawi madaxda jaamacada carabta, madaxda Midowga EU, Madaxda Midowga Afrika, Madaxda Qaarada Aasiya IWM.

Dawladda Turkigu waxay wado waa wax muuqda oo walaaltinimo ku dhisan islamnimo ah, arintaa waxay ka muuqataa magaalada moqdisho waxay ka qabatey iyo Soomaaliya oo dhan. Su’aashu jawaabteeda waa akhristayaasha inay fahmaan u jeeda dawlada ingiriiska ee Soomaaliya waxay tahay?

Qore: Maxamed Caalim
Falanqeeye siyaasada Soomaaliya
Finland

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran