Mooryaan Maxamed Cabdikariin Shiino Oo Lagu Dhaawacey Magaalada Marka

Mooryaanka uu dhaley dagaal-ooge Cabdikariin Shiino ayaa waxa lagu dhaawacey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Wararka aan heleyno ayaa ku waramaya in Mooryaan Qoslaaye ay murmeen Nin kale oo ilama adeer ay yihiin kaas oo sida la sheegay qori usoo qaatey.

Muranka ayaa wararka aan heleyno tilmaamaya in uu yimid ka dib Markii Mooryaankana caadeystey in uu baraha bulshada ku weeraro dadka aan waxba galabsan, ee uu kaga qaato lacago baad ah.

Ninka dhaawacay ayaa sida aaan ku helnay xogta waxa uu weyiistey lacago uu ku iibsado Jaad, waxaana ninkii wax la weydiiyey uu ku warceliyey in uu bixin Karin shaxaad, waxaana Qoslaaye uu ugu hanjabey in uu ku ceeybeysan doono bartiisa facebooka.

Mooryaan Maxamed Cabdikariin Shiino oo shaqadii uu ka haayey Shirkadda Hormuud looga buriyey Tuuganimo ayaa sanadihii lasoo dhaafey ka tirsanaa Mooryaanta Gobolada dhexe ee dhibaatada ka wada Magaalada Marka.

Ugu dambeyntii Mooryaan Qoslaayey oo mar lasoo shaqeeyey kooxihii burcad badeeda ee maraakiibta ka afduuban jirtey biyaha badda ayaa markan isku bedelay Burcada baraha bulshada ku dhaca bulshada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE