Burcad Koonfur Afrikaan Ah Oo Dil U Geystey Muwaadin Kasoo Jeeda Dalka Soomaali

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay duleedka Magaalada Cape Town Ee Caasimada dalkaasi ku dilay Muwaadin u dhashay dalka Soomaaliyeed.

Rag hubaysan ayaa weerar ku qaaday Dukaanka uu lahaa Alle ha u naxariistee Marxuum C/qani Qaasim Maxamuud waxayna halkaa ku dileen Muwaadinkan Soomaaliyeed, Kooxdii Burcad Koonfurta Afrikaanka ahayd ee dilka u geysatay Wiilka Soomaaliyeed ayaa la sheegay ineysan wax agab ah ka qaadan Dukaankiisa.

Booliska dalka Koonfur Afrika  oo gaaray goobta uu falka dilka ah  ka dhacay ayaa sameeyey Baaritaano walow aysan cidna usoo qaban dilka Marxuum C/qani Qaasim Maxamuud.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa lagu dhibaateeyaa Soomaalida u shaqa tagtey, waxaana sanooyinkii lasoo dhaafey halkaas ka dhacey dilal iyo boob loo geystey goobo ganacsi ah oo ay leeyihiin dadka Soomaalida.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE