Dhageyso Codad Is Khilaafsan Maxamed Cusmaan Cali Yariisow Oo Beeniyey Hadal Hore Oo Uu Ku Sheegay In Uu Is Casiley

Maxamed Cusmaan Yariisow oo in muda ah ku adkeysanayey in uu yahay Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa dhawaan cod lagu baahiyey Baraha Bulshada ku sheegay in uu iska casilay xilkii uu haayey.

Yariisow ayaa intaa hadalkiisa ku darey in ay jiraan sababo isaga ku dhaliyey in uu xilka ka tago waxa uu ka gaabsadey faafaahinta sababaha jira.

Sida laga dhehen karo hadalka Maxamed Yariisow waxa sheegay in uu yahay qof shacab ah oo u baahan in la xukumo maadaama uu ka mid yahay Umadiisa, waxaana ugu dambeyn cafis uu weydiistey guud ahaa Shacabka isagoo tilmaamey in ay jiri karaan dad isaga wax ka tabaanaaya.

Halkan Ka Dhegeyso Codka Is Casilaadda Ee Maxamed Cusmaan Yariisow

Hadal cusub oo uu soo saarey Yariisow ayuu ku beeniyey inuu iska casilay xilka hase ahaatee uu ula jeedey iscasilaadiisa arimo kale oo isaga u gaar ah, mana faafaahinin arimaha u gaarka ah ee uu iska cisilay, markii uu soo sii baahiyey codka cusub ayaa dad badan ay is weydiiyeen xilka kale ee Yariisow uu haayey ee uu iska casilay.

Waxa uu ku adkeystey in uu yahay Gudoomiye Sharci ku magacaaban oo wakiil u ah dowlada fedaraalka, islamarkaana ay jirin cid xil ka qaadi karta.

Waa markii ugu horey oo ay warbaahinta hesho hadalo is burinaya oo kasoo baxa Maxamed Cusmaan Cali Yariisow, lmana oga sababah keeney in Yariisow ay kasoo yeeraan hadalo is khilaafsan.

Halkan hoose ka dhegeyso Codka dambe Ee Yariisow Uu Ku Beeniyey Inuu xilka iska casiley

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE