Shir Magaalada Muqdisho Ay Ku Lahaayeen Madaxda Dowlada Fedaraalka Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Lasoo Gabagabeeyey

Waxaa Goordhaweyd lasoo gabagabeeyey Shir Maanta Magaalada Muqdisho uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland,K/Galbeed,Jubbaland,Hirshabeelle iyo Ku Simaha Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa diirada lagu saaray 3 qodob.

Qodobada looga wada hadlay kulanka ayaa waxaa kamid ah ka qaybgalka Shirka  looga hadlayo arimaha Soomaaliya ee Bisha May ka furmi doona Magaalada London ee dalka Ingiriiska,Dhismaha Ciidan Qaran iyo sidii dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay iskaga Kaashan lahaayeen Amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Shirka ayaa waxaa soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,Madaxda ayaa ku heshiiyey dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran