Alshabaab Oo Nin Muruq Maal Ah Ku Gowracey Deegaan Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose

Maleeshiyda Alshabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafey dil Naxdin waxa ay ka geysatey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Dilka oo ka dhacey deegaanka Idimow ee dhow Deegaanka Muuri ayaa wararku waxay tilmaamayaan in Alshabaab halkaasi ay ku gowracdey Nin ku shaqeysta gaari dameer oo isticmaala wadada dheer ee laamiga ah.

Ninkan ayaa la sheegay in xilliga la dilaayey uu watey Gaari dameer dhuxul geeyey degmada Afgooye, isagoo markii uu soo laabtey ay wadada ka qabsadeen koox Shabaab ah oo laamiga ku sugeysay.

Dadka deegaanka ayaa saacado ka dib waxay ka war heleen Nin meyd ah oo madaxa laga gooyey kaas oo lamiga lasoo dhigey, waxaana dilkaas fajac iyo naxdin uu ku beerey dhalin yaro badan oo muruq maal ah oo wadadaasi isticmaasha.

Deegaanada Gobolka Shabeelada hoose ayaa inta badan waxa ka dhaca falala guracan oo ay geystaan Maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran