Dagaal U Dhaxeeya Alshabaab Iyo Amisom Oo Maanta Ka Dhacey inta U Dhaxeysa Laanta Buuro Iyo Cadow-Dibille

Dagaal qaatey dhowr saacadood ayaa maanta waxa uu ka dhacey inta u dhaxeysa Xeradii Ciidanka Laanta Buuro iyo deegaanka Cadow dibelle ee duleedka Afgooye.

Dagaalka ayaa bilaawdey ka dib markii wadada loo galey Ciidamo Amisom ah oo roondo ku maraayey wadada laamiga ah ayaa xoogiisa waxa aad looga maqlaayey deegaanada ku dhow dhow halka dagaalka uu ka socdey.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Markacadey.com waxay u xaqiijiyeen in Alshabaab dagaalka looga diley Shan askari oo laba ka mid ah meydkooda uu yaallo halka lagu dagaalamey.

Inta badan Ciidamada Amisom ayaa weeraro dhaba gal ah kala kulma maleeshiyada kooxda Alshabaab, waxana dagaaladaas ka dhasha weeraro khasaare dhaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE