Laba Askari Oo Ka Tirsan Dowlada Fedaraalka Oo Maanta Lagu Toogtey Isgoyska Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Askarta la Toogtay ayaa la socday Gaari kuwa Dadweynaha ah, Waxaana Toogtay Rag Bistoolado ku hubaysan oo la saarnaa Gaariga kuwaas oo gadaal ka toogtey, Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaan jira dad shacab ah oo gaariga saarnaa oo ku dhaawacmey rasaasta lagu diley askarta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano kooban oo aan wax natiijada ah laga gaarin.

Magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafey halaq galeen noqotey ayaa waxa kusii kordhaya dilalka qorsheysan ee lagu fulinayo askarta dowlada iyo dad kaloo shacaba ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE