Maleeshiyada Alshabaab Oo Xoolo Ka Qunsadey Duleedka Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Sida uu ku waramaayo wararka aan ka heleyno Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose Alshabaab ayaa qunsatey xeyn Ari ah oo ay lahaayeen dad Shacab oo xoola dhaqata ah.

Ku dhawaad 70 Neef oo ah oo daaqayey duleedka Koonfureed ee Degmada Raaxoole ayaa tiro Maleeshiyaad ay ka qusadeen dadkii xoolahaasi iska lahaa oo daajinaayey.

Maleeshiyaadkan oo si dhuumasha ah ku yimid halka Arigan uu daaqaayey ayaa dadkii iska lahaa ku war geliyey in ay ka dhaqaaqin halkooda iyagoo Ariga la aadey dhinaca Bariire.

Alshabaab ayaa sidaan oo kale marar badan u dhacdey xoolo ay leeyihiin dad Shacab ah oo ku dhaqan Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ku maqan boqolaal xoola ah oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Ari.

Dadka deegaanka oo sanadihii lasoo dhaafey ku jirey dagaalo wajiyo badan leh ayaa markan wajahaya dagaalo Diin ku gambad ah oo lagu baneystey Dhiigooda  iyo xoolahooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran