Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacey Duleedka Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay meel duleedka ka xiga deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka oo gelinkii dambe ee maanta dhacey ayaa wuxuu u dhaxeeyey Ciidamada Maamulka Degmada Nambar 50 iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda duur ku jirta Alshabaab.

Sida lagu soo waramayo dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Maleeshiyaad Shabaab ah oo ku dhuumaaleysanayey Beer ku taalla duleedka Bariire ay calamo surteen dhul aan sida uga fogeyn difaacyo ay ku sugnaayeen Ciidamada deegaank, dibna dadka eegaanka ay u sheegeen in ay ka amar qaataan Maamulka Bariire.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay goobta dagaalka ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacey iska hor imaad saacado qaatey kaas oo leysku adeegsadey hub culus oo dhinacyada dagaalamayey ay adeegsadeen.

Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Maamulka Nambar 50, Alshabaab ayaa dagaalkii maanta waxa lagu gaarsiiyey jab culus oo ku qasbey in ay dib uga gurtaan goobaha lagu dagaalmayey, waxaana lasoo wariyey gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen Maleeshiyaad isugu jira dhaawac iyo kuwo Meydad ah ay geeyeen Degmada Awdheegle.

Maqribnimadii Caawa ayaa Ciidamada Maamulka Nambar 50 ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan duulaanka baqdin gelinta ah ee Alshabaab ay ka wadey halkaasi, waxaana caawa degen xaalada goobaha lagu dagaalamey oo ay gacanta ku haayaan Ciidamada Deegaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran