Wasiirka Maaliyadda Dowlada Fedaraalka C.raxmaan Ducaale Bayle Oo Shir Ka Dhacey Washington Kaga Hadlay Halka Uu Maraayo Dhaqaalaha Soomaaliya Iyo Arimo Kale

Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Ka qeybgalay shirka ha’ada lacagta Aduunka ee IMF Iyo World Bank aysoo qabanqaabiyeen oo in ka badan 200 wadan wasiirada Maaliyada ee dalalka Caalamku ay Ka qeybgaleen ayaa wuxuu ka hadlay arimo kala duwan.

Mudane Bayle ayaa marka hore sheegay in laga cafinaayo deymihii lagu yeeshey Soomaali, waa hadii uu sheegay in dowladan ay kasoo baxdo heerkii laga filaayey ee ku aadan isla xisaabtan iyo dowlad leh Maamul Wanaag

“Soomaaliya lacagtii deymaha ee $5.5 Billion ee Dollar laga rabay waa loo dhaafayaa qeyb ahaan ama gabi ahaan, haddi ay la timaado dowlada cusub la xisaabtan Iyo dowlad leh maamul maanaagsan “ Ayuu yiri Bayle.

Sidoo kale wuxuu si faah faahsan uga hadlay waxyaabaha ay hordhigeen IMF World Bank, Halka Soomaaliya ay wax u marayaan iyo Qorshaha Xukuumada cusub ee Qaybta uu ka yahay, waxaana raja wanaagsan uu ka muujiyey in Soomaaliya ay cagta saartey guushii in mudda ah la sugaayey.

Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay bixinta mushaharaadka shaqaalaha dowlada iyo ciidanka dowlada, waxaana uu sheegay in dhawaan la ansixiyey miisaaniyadda sanadlaha ee dowlada, isagoo tilmaamey in koboc dhaqaale uu ka jiro ilaha dhaqaale ee dalka sida Garoonka Muqdisho iyo Dekedda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE