Guddiga Difaaca Baarlamaanka Oo Eedeymo Usoo Jeediyey Dowladda Fedaraalka Iyo Maamul Goboleedyada

Mudanayaasha Baarlaaanka Federaalka Soomaaliya  oo  Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa warbixino ka dhageystay qaar kamid ah Guddiyada Baarlamaanka.

Xoghayaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Saadaq Warfaa ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada  iney ku heshiiyeen in la baabi’iyo Ciidanka Xoogga dalka Isla markaane awoodaha dowladda dhexe loo gacan galiyo Dowlad Goboleedyada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyey in xiritaanka kala fadhiga Baarlamaanka dib loogu dhigay in meel la saaro Arintan,Mahad Cabdalle Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey iney jawaab ka sugayaan Dowladda Federaalka.

Waxa khilaaf badan uu ka taaganyahay dhismaha Ciidan qaran oo dhawaan ay ku heshiiyeen Madaxda dowlada Feadaraalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana arintaas ay keentey in doodo badana ay dhaliso.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE