Maleeshiyada Alshabaab Oo Shaqa Ka Fariisin Ku Sameysey Dhagarqabe Lagu Magacaabo Axmed Khaliif Oo U Qaabilsan Qaraxyada Iyo Sahanka Wadada U Dhaxeysa Afgooye Iyo Shalambood (Warbixin)

Maleeshiyada Alshabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafey shaqa ka joojin ku sameeyey Nin u qaabilsanaa Miinooyin qaraxyada ah iyo sahanka wadada dheer ee laamiga islamarkaana xiriirisa Degmada Afgooye iyo Shalambood.

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Khaliif ayaa sida warbixinta aan ku helnay in mudda ah ka tirsanaa kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta Miinooyinka, waxaana saldhig u ahaa deexda deegaanka Muuri.

Dhagar qabahan oo kasoo jeeda Abgaal/Cabdul-caruuni ayaa ku eedeysan qarax Miina ah oo lagu diley Allah U Naxriistee Shan Askari oo ka tirsanaa Ciidamada deegaanka.

Sababaha keeney in ninka shaqada laga joojiyo oo kooxda laga buriyo ayaa waxa ay aheyd sida aan xogta ku heleyno inuu ka dambeeyey dilal dhawaan ka dhacey deegaanka deegaanka Muuri.

Dilka oo ay geysteen koox uu hogaaminayey Axmed Khaliif ayaa waxay isugu jirey laba qeybood oo kala ahaa Mooryaan ku dhuumaaleysata duurka iyo Maleeshiyaad Alshabaab ah oo intaba ay magac ahaan ay wadaagaan.

Waxaana la sheegayaa in Shabaabka ay qoonsadeen qaabka shaqada ama dilka loo fuliyey maadaama ay qeyb ka ahaayeen kooxo aan shabaabka ka tirsaneyn, hase ahaatee sida muuqata waxa leysku waafaqsanyahay dilka dadka deegaanka.

Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa tilmaameysa in Alshabaab ay dhagar qabahan ka qaadeen Gaari nooca raaxada ah, Mooto iyo qoryo uu watey oo uu isticmaali jirey xilliga uu fulinayo howlgalada.

Ninkan ayaa dhowr shaqa ka haayey Wadada dheer ee laamiga ah, waxaana la sheegayaa in shaqooyinka uu qaban jirey ay ka mid ahaayeen Sahanka Wadada, Qaraxyada Wadada, qarinta dhaawayada Shabaab ee ku waxyeelooba dagaalada Nambar 50 iyo howlo kale.

Dhagar qabe Axmed Khaliif ayaa shaqooyinka gaarka ah ee uu qaban jirey waxa la wadaagi jirey Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Daadir oo dhalasha ahaan kasoo jeeda Magaalada Cadaado/ Habargidir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE