Nin Ganacsata Ah Oo Maanta Lagu Diley Duleedka Degmada Afgooye

Nin Ganacsade ah oo ka tirsanaa dadka deegaanka ayaa waxa lagu diley duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ninkan Ganacsada ah ayaa waxa lagu magacaabi jirey Maxamed Taliyow Xasan kaas oo kasoo jeeda degmada Nambar 50, waxaana maanta diley kooxo hubeysan.

Sida aan  ku helnay warbixinta dilka Marxuum Maxamed Taliyow ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Cadow-dibelle ee duleedka Afgooye, waxaana dad ku sugan halkaas ay noo sheegeen in rasaas  ooda looga qaadey.

Marxuumka ayaa markii la dilaayey waxa la socdey nin kale oo ay kasoo wada adeegteen Degmada Afgooye, waxaana si dhib badan ku baxsadey ninkii la socdey halka Marxuum Maxamed Taliyow uu ku dhintey rasaas ka haleeshey qeybaha sare ee jirkiisa.

Wadada dheer ee laamiga ah ee xiriirisa Agooye iyo Raaxoole ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxa kusoo xoogeystey dilalka iyo weerarada lagu qaadayo dadka halkaasi ku safraya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran