Ciidamada Amismom Oo Howlgal Ka Wada Deegaanada Deexda Ah Ee Ku Dhow Dhow Xerada Laanta Buuro

Ciidamada Midowga Afrika ee la wareegay gacan ku heynta Xerada Laanta Buuro ee duleedka degmada Afgooye ayaa maalintii seddaxaad halkaasi ka wada baaritaan iyo howlgallo.

Baaritaanka iyo howlgallada oo lagu baarayo deexaada howdka ah ee dhac dhinaca Bari ee laamiga ayaa waxa lagu baadi goobayaan aaladaha iyo qaraxyada iyo raadka Maleeshiyada Alshabaab ee halkaasi dhibaato ka geysta.

Dadka xoola dhaqata ah ee ku dhaqan meelaha ku dhow dhow xerada Laanta buuro ayaa waxay warbaahinta la wadaageen in Ciidamada Amisom ay fashilyeen dhowr qarax ay lagu aasaey meel dhir badan oo la doonayey in loo isticmaalo waxyeeleynta Shacabka halkaasi ku safraya.

Dhinaca kale Ciidamada Amisom saraakiishooda ayaa bilaabey in ay kulamo la qaataan Xoola dhaqata deexda si ay warbxinno uga helaan fariisimayaasha Shabaab eek u dhex yaalla deexda.

Ciidamo Amisom ah ayaa maalmo ka hor fariisin waxay ka sameysteen Xerada Laanta buuro halkaas oo dhowr jeer ooh ore lagu soo weerarey Maleeshiya beeleed dareeska Milateriga loosoo xirey, waxaana bilihii lasoo dhaafey halkaasi maamulaayey kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE