Dowlada Soomaaliya Oo Ku Fashilantey Inay Xal Ka Gaarto Wadahadalada Galmudug Iyo Ahlusunna

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ka socday Kulamo xaasi ah oo u dhaxeeyey Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxayna arrintaan garwadeen ka ahaa dowladda Soomaaliya oo dooneysay in la helo Maamul Galmudug oo dhameystiran.

Haddaba kulamadii u dhaxeeyey labadaan garab ayaa wuxuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii ay Maamulka fadhigiisu yahay Dhuusamareen ee Ahlu Sunna miiska soo saarteen qodobo ay ku adkaatey Galmudug in ay fuliso.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Sheekh Maxamed Shaakir oo ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna, waxayna wararka sheegayaan inuu kulankaas kusoo dhamaaday is faham la’aan kadib markii Ahlu Sunna ay diiday inay ka tanaasusho shuruudaha adag ee ay soo bandhigtay.

Haddaba waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda magaalada Muqdisho uga laabtaan Madaxda Galmudug  iyo Ahlu Sunna oo markii horeba ka kala yimid Cadaado iyo Dhuusa Mareeb, natiijadaan ayaa waxay ka dhigantahay mid dhabar jab weyn ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka aqri Qodobada Leyku mari waayey ee Ahlu sunna ay lasoo shir tageen

1-In la dhiso Baarlamaan cusub oo ka kooban 90 xubnood,  ­

2-Inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug, ­ 3-In Baarlamaanka Cadaado la baabi’iyo,

4-In Maamula Goboleedka Gobollada Dhexe ay ku soo biirto kooxda maamulka Cadaado, 

5-In xubnaha Baarlamaanka 60 ka mida ay ka yimaadaan Ahlu sunah”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran