Dowlada Soomaaliya Oo Xil Gobolka Banaadir Ugu Magacaawdey Dagaal-ooge Yuusuf Indhacade

Warar lagu kalsoonhay oo ay heleyso shabakada Markacdey.com ayaa ku waramaya in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay xil u magacaawdey dagaal Yuusuf Indhacade.

Xilkan oo saacadihii lasoo dhaafey lagu muransanaa ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in uu yahay Taliyaha la dagaalanka  Argagaxisada Gobolka Banadir, waxaana xilkaas sida wararka aan ku heleyno wareegto kusoo saarey Madaweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dagaal ooge Yuusuf Indhacade oo warbaahinta taageerta Beeshiisa ay si aad ah u buunbuuninayeen in loo magacaabi doono xil culus ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha uu soo saarey wareegto u ku cadeynayo xilka loo magacaabey dagaal oogahan.

Beesha uu kasoo jeedo Indhacade ayaa markii la magacaabey Ra’isalwasaaraha dalka Madaxweynaha ka codsatey in Yuusuf Indhacade loo magacaabo Wasiirka Gaashaandhigga ama Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Midkood ayaa Madaxda waxay ka gaabsadeen in Taliyeyaasha iyo Wasiirada uu kasoo dhex muuqdo qab qable dagaal oo lagu xasuusto diifta iyo dhibaatada uu badey Shacabka Soomaaliyeed.

Hase ahaatee magacaabistan Cusub ayaa waxa keeney sida wararka aan ku heleyno in Yuusuf Indhacade uu ku qafiifey in mar un lagu magacaabo jago taas oo uu u arkey mid uu ugu shaqeyn karo beesha uu kasoo jeedo.

Taliyaha la dagaalanka Argagaxisada Gobolka Banaadir oo ah jago ku cusub Taliyeyaasha Amniga Gobolka Banaadir ayaa u muuqata mid lagu aamusiyey Ninkan oo sanado badan qeyb ka ahaa dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Sida muuqata dowlada Farmaajo ayaa soo nooleysay rajada dagaal oogayaal badan oo ka degey saaxada Soomaaliya, waxaana tani ay dhaawici doontaa rajada Umada Soomaaliyeed ay ka qabaan Dowlada 8=da Febraayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE