Kulan Su’aallo Lagu Weydiinayo Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliaya Oo Caawa Ka Socda Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Kulan su’aalo lagu weydiinayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hada ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa shir Gudoominaya kulanka,waxaana ka qaybgalaya R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Gudoomiye ku xigeenada Golaha Baarlamaanka iyo Gudiyada Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya.

R/wasaare Khayre ayaa  kulanka lagu weydiinayaa su’aalo ku saabsan hannaanka dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo ay walaac fara badan ka muujiyeen Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE