Maamulka K/galbeed Oo Amaro Dul Dhigey Xaasaska Maleeshiyaadka Alshabaab Ee Ku Dhaqan Magaalada Baydhaba

Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa digniin u diray Xaasaska Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ee kunool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Col.Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay iney ku wargaliyeen Xaasaska Al-shabaab ee ku sugan Magaalada Baydhabo iney isa soo diiwaan galiyaan, wuxuuna sheegay iney ka dhega adaygeen intooda badan amarkaasi ayna dhawaan qaadi doonaan talaalbo lagu ciqaabayo kuwo diiwaan gelinta diidey.

Col.Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney waajib ku tahay Xaasaska Al-shabaab iney maqlaan awaamiirta lagu soo rogay,Taliyaha ayaa shaaciyey iney Magaalada kasaari doonaan cidii qaadan weysay amarka ay soo saareen.

Xaasaka Maleeshiyaadka Alshabaab ee ku sugan magaalooyinka ka baxsan Gacantooda ayaa waxa lagu eedeeyaa in ay qariyaan Nimankooda markii ay si dhuumaaleysi ku yimaadaan magaalada, waxaana falkaasi lagu tilmaamaa mid wax u dhimi kara amaanka.

Maamulka Jubbaland ayaa sanadkiih hore magaalada Kismaayo waxa uu musaafuriyey haween badan oo ay qabeen Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE