Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Abaanduulle Guuto Loo Magacaabey Mid Ka Mid Ah Dhagar-qabayaashii Baabi’iyey Gobolka Shabeelada Hoose (Xog)

Maalmihii lasoo dhaafey Baraha bulshada qaarkood waxa lagu baahiyey warar sheegaya in mid ka mid ah dhagar qabayaashii gumaadey Shacabka Shabeelada hoose loo magacaabey xil culus.

Wararkan oo aan loo haaynin sal iyo xigasho toona ayaa si weyn leysugu gudbiyey baraha ay ku xiriiraan bulshada, hase ahaatee waxa markii dambe uu noqdey mid ay soo tabiyeen kooxo isku sheega Wariyeyaala oo sida Wasaarad warbaahintooda jago uga magacaaba hadba shakhsiga ay rabaan ayna ka gadaan bulshada Soomaaliyeed ee wararkooda ku xiran.

Sida ay sheegayaan Warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah, dhagar qabe Liibaan Madaxweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafey wadey Aruursiga Maleeshiyaad Beeshiisa ah oo uu doonayo in laga dhigo Ciidan ka amar qaata Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ilaha aan warkan ka helnay ayaa noo xaqiijiyey in warar been abuur ah uu yahay warka sheegaya in Dagaal-ooge Liibaan Madaxweyne loo magacaabey Abaanduuliyaha Guuto Lexaad ee Ciidamada Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadd  Soomaaliya.

Xilka Abaaduuliyaha Guuto Lexaad oo Mooryaanta Habargidir ee ku sugan Afgooye ay ka disheen Geesey Cali Indhoole ayaa kaaba qabiil Cali Baashi oo dhawaan laga qaadey Abaanduulaha Ciidamada xoogga uu doonayey in xilkaas loo magacaabo dhagar qabe Liibaan Madaxweyne oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii dhibaatada badey Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Maleeshiyaadka cusub ee uu aruursanaayo dhagar qabahan ayaa xogta aan heleyno waxa ay sheegeysaa in uu doonayo looga dhigo Urur ka tirsan Guuto lexaad islamarkaana Taliye loogu magacaabo.

Arintan ku saabsan in Urur ka mid ah Guuto lexaad loogu magacaabo Taliye Urur ayaa dhagar qabe Liibaan Madaxweyne waxa la wada Abaanduulaha Cusub ee Ciidamada dowlada Cabdulaahi Cali Caanood oo si dhow ay u wada shaqeyn jireen xilligii uu ahaa Sarkaal ka tirsanaa Guuto Seddaxaad oo uu ka halaagsamey Goobaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran