Weerar Khasaare Dhaliyey Oo Caawa Ka Dhacey Duleedka Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in caawa weerar lagu qaadey duleedka Koonfureed ee magaalada Nambar 50 Ex Raaxoole.

Sida ay kusoo waramayaan dadka ku dhaqan deegaanka Buula Xaanshi, waxa weerar lagu qaadey Guri uu degenaa mid ka mid ah Ciidamada deegaanka oo halkaasi ku yiilay.

Weerarka oo ay soo qaadeen kooxo watey Gaari Nooca Raaxaada ah ayaa rasaas ku furey Guri deegaanka Buula-xaansho uu ka degenyahay Nuur Maxamed Geney oo ka mid ah Ciidamada Maamulka Nambar50, waxaana halkaas ka dhashey iska hor imaad kooban.

Nuur Maxamed Geney oo Gurigiisa lagu weeraray ayaa sida ay wararku sheegayaan si adag uu isaga difaacey kooxaha soo weeraray isagoo markii dambe ku guuleystey in uu iska caabin sameeyo, waxaana jira warar sheegaya in Nuur Geney uu soo gaarey dhaawac Garabka ah, halka dhiig fara badan ay ka tageen kooxihii weerarka soo qaadey oo dib loo jebiyey .

Deegaanka ayaa saacado ka dib waxa gaarey Ciidamo gurmad ah kuwaas oo hadda ku sugan deegaanka Buula-xaansho iyo nawaaxigiisa.

Deegaanada Buula-xaansho iyo Buula-cadey oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Raaxoole ayaa si joogta ah waxa uga dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana la aaminsanyahay in weeraradaas ay geystaan Maleeshiyaad Shabaab ah iyo laba kaarlayaan Habargidir oo xoog ku ilaashanaya beero ay iska leeyihiin dad shacab ah oo ay dhac ku qabsadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE