Dhageyso Gudoomiyaha Deg Nambar 50 Cabdulaahi Waafow Oo Faafaahin Ka Bixiyey Dagaalkii Cuslaa Ee Maanta Ka Dhacey Gobolka Shabeelada Hoose

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 ahna Taliyaha Ciidamada daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa faafaahin ka bixiyey dagaal culus oo galabta ilaa caawa ka dhacey duleedka Degmada Raaxoole Ex Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Cabdulaahi Waafow ayaa marka hore ka warbixiyey dagaalka iyo deegaanada uu ka dhacey, waxaana uu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyey Maleeshiyada Sharwadayaasha Shabaab ee soo weeraray deegaano ay maamulaan Ciidamada deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran