Erdogan Oo Ku Ooyay Madaxdii Qaranka Soomaaliyeed Taariikh Diiwan Gashay W/Q Yuusuf Cumar

Dadka Soomaaliyeed ee dagan geeska afrika waxay ahaayeen dad geesiyaal ah,dad marti soor leh oo aan lagu gaarin wanaajinta martida,dad xumaanta ka xishooda,dad leh qab iyo han sare, dad leh diin,dad leh xer cilmi,dugsiyeey lahaan jireen ciyaalkeey wax bari jireen diintoodaa islaam ahayd.waxay ahaayeen soomaalidu dad u roon oo xurmeeya dumarka marna aan ogolayn dhaqan ahaan in hablaha lagu xad gudbo taasoo ay uuga duwanaayeen dunida inteeda kale.Soomaalidu waxay ahaayeen dad isla wayn oo aan qaadan quursi iyo gumaysi midna. inahaas iyo inbadan oo kale ayaa diiwaanka ugu jirtay soomaali waligeedba oo lagu yaqiin aduunkuna ku tix galin jiray.

Turkigu waxa uu hayaa taariikhdii dadkii soomaaliyeed siday ahaan jireen,markaynu hada bururay oo halis ugalay in dalkaba laynaga dhaxal wareejo oo aan dabar go no ayuu adkaysan waayay Turkigu oo inoo soo gurmaday.Caasimadii ayuu soo dagay,waxa uu inoo keenay daawo,cunto.waxay uu inoo dhisay dakadii iyo garoonkii diyaarada mogdisho.isguulo ayuu inoo furay arday iyo ciidana dalkiisuu inoogu qaaday.U jeedada turkigu waxay ahayd in uu inagarab qabto si aan usoo ceshano kala danbayntii dawladnimo.Fikirkii uu inaga haystay ee taariikhda inoogu qornaa ee uu hayay mid aan ahayn buu inagu arkay tanoo keentay niyad xumi uu inagala kulmay oo ka hooseeya inbadan hankii uu inoo qabay iyo halkii uu inaga filayay hadaynu nahay soomaaliya.

Waxa uu layaabay oo uu wax ka ogaaday in aynaanba diyaar u ahayn in aynu istaagno oo yeelano dawlad shaqaysa iyo sharaf waxa uu dareemay arimahan hoos ku qoran.

A. In aynaan dalkeena danba kalahayn oo aynaan jecelaynba.

B. In aynaan diinteena islaamka ah danba kala ahyn ku dhaqankeeda.

C. In aynaan dadkeena soomaaliyeed iyo shacabkeena u naxayn oo danba kala ahyn.

Waxa uu arkay dad uun qabiil ku fakaraya,dad uun beeso ku fakaraya iyo maxaan cunaa oo xaaran ah,dad uun raadinaya shisheeye ay u adeegaan oo ka iibsada dalka dadka iyo diintaba.waxa uu arkay dad aan mabdaba lahayn oo hankoodu aad u hooseeyo.Turkigii waxaa ku dhacay argagax iyo afkala qaad!!!     wuxuu fahmay in meesha aysan jirin dad lagarab istaago oo la caawiyo si dhibka ay uga baxaan.

  Maxaa ka oo hiyay ERDOGAN oo ah 70 jir?

26.4.2017 ayaa waxa booqosho uugu tagay gurigiisa wafti balaadhan oo soomaaliyeed oo ah madaxdii qaranka oo uu hogaaminayo madaxwaynaha umada soomaaliyeed mudane maxamed abdullahi farmaajo.waxay uuga warameen xaalada dalkii iyo waxay hada rabaan oo horyaala aayaha dalka soomaaliyeed mustaqbalkiisa ah.waa ka dhagayste hayeeshee waxa uu layaabay madaxwaynaha iyo wasiirada iyo madaxda kale ee waftiga ku wehelisa sida ay dhexdooda isu qadarinayaan,isu xurmaynayaan ukala danbeeyaan!! waxaa kaloo uu layaabay hadana mid mid la qabiil ah majiro waana ul iyo diirkeed wada ah soomaali hal moow qif isla wada wada oo ah danta dalka diinta iyo dadka!!!

Waxay u sheegiin in dawladii dhexe iyo dawlad goboleedyadii fada ralka ahaa ay shireen iyadoo aysan qof shisheeye ahi ku jirin oo ka wada tashadeen danta guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed aayihiisa dhaw iyo midka fogba. waxayna isla wada qaateen hal mawqif oo war saxaafadeedkii shirkaa ka soobaxay laga daawanaayay daafaha caalamka haybada iyo isku duubnida dawlada soomaaliyeed ee xorta ah. is dhex yaac malaha,is garab orad iyo looma dhana malaha,kani waa reer hebal malaha,beeso isii malaha,dalka iga iibi malaha,waxay yihiin kuwo ilaashaday sharaftooda,diintooda,dalkooda iyo dadkooda.

Markii madaxwayne farmaajo iyo waftigiisii u akhriyeen dalabkooda xalada dalkana sidaa uuga ga warameen halkay sugayeen jawaab Madaxwaynaha Turkiga ERDOGAN waxa uu ku jawaabay oohin qaadatay nusaac oo wax aamusiiya lawaayay!!! mudane FARMAAJO madaxwaynaha soomaaliya oo ah nin fiiro dheer ayaa yiri suaal danbe u celin mayno madaxwaynaha waayo wuunafahmay. Kadib ayaa Erdogan hadlay oo yiri waxaa tihiin ragii soomaaliyeed ee aan maqli jiray taariikhdoodiina aynoo qoron tahay waxaa idinka muuqda soomaalidii dhabta ahayd inaa tihiin ee cizada lahayd hayeeshee amarku wuxuu yahay waxaad rabteen oo dhan Turkiga oo walaalkiin ah waa aqbalay oo laydiin yeelay.waxaad yeeshaan kaca oo dalku meeshuu yaal ka qaada oo hal sidaa u ahaada oo isku duubnaada dalkana ilaashada idinkoo soomaali hal ah.ogaada dalkaan shacab iyo dawlad maanta dunida isku duubnayn waa la cuni oo lakala qaybsan.Taariikhdiina sidaan hayno waxaad ahaydeen dad geesiyaal ah run loow yaal ah oo isku duubnaa.waxaan jeclahay in aan arko soomaali oo haysata dawladnimo oo dalkeeda ilaashanaysa,waxaa ilaahay idin siiyay dal qani ah ee walaalayaal rag noqda sidii awoowayaashiin oo dalka ha baylihinina”.

   Gunaanad iyo Gabagabadii

Maanta dhib soomaaliya way ka daashay iyo tuugsi iyo sharaf dhac,hayeeshee kol hadii maamul goboleedyadii oo ay uugu horeeyso HOOYADA FADARAALKA SOOMAALIYEED PUNTLAND iyo intii kalaba isu tageen wada tashadeen is raaceen walaaloobeen waa guul.hadii casimadeenii Mogdisho inagoo wada jira aynu nabaday sanayno waa guul. inaan dalkeena ilaa shano oo cadawgeena meel uuga soo wada jeed sano waa guul.waxaa cad in cid walbaa inoo soo shaqo doonan doonto maadaama dalkeenu yahay qani.aan ilaashano.soomaaliya way kabaxday dhibkii dawlad la aanta waxayna u istaagtay dawladnimo iyo kala danbayn haybad.

Yuusuf Cumar mashruuc5@hotmail.com

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran