Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Caawa Ka Dhacay Duleedka Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararkii ugu dambeeyey ee caawa laga helaayo duleedka Degmada Raaxoole Ex Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in xoogaa degenaasha ah laga dareemayo deeganado saacadihii lasoo dhaafey uu ka dhacay dagaal culus.

Deegaanada Fida-carooti iyo Balafley oo duleedka kaga beegan Nambar 50 ayaa Gabal dhici caawa waxa weerar kusoo qaadey Maleeshiyada duur ku jirta ah ee alshabaab kuwaas oo dagaal xoogan kala kulmay Ciidamada Maamulka Deegaanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maleeshiyada Shabaab lagu jabiyey dagaalka ay soo qaadeen, waxaana furimaha dagaalka ay kaga carareen laba Meyd oo ay awoodi waayeen in ay qaataan.

Ciidamada Maamulka Nambar 50 oo dagaal culus la galay Maleeshiyada Naf la caariga ee Shabaab ayaa wax khasaare ah aan kala kulmin dagaalka oo dhowr saacadood ka socdey deegaanada Fida-carooti iyo Balafley oo duleedka Bari kaga beegan magaalada Nambar 50.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE