Dhageyso Dagaal Afka Ah Oo Dhex Marey Wariye U Shaqeeya Idaacadda Mooryaanta Kulmiye Iyo Gudoomiyaha Nambar 50

Warbaahinta u adeegta Mooryaanta Gobolada dhexe sida Idaacadda Kulmiya ayaa Wariye ka tirsan wuxuu xalay Wareysi la yeeshay Gudoomiyaha Degmada Raaxoole Ex Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ninkan ayaa su’aalo u muuqdo kuwo loosoo laqimey weydiiyey Gudoomiyaha, waxaana su’aalihiis ka mid ahaa “In Nambar 50 ay ku dagaalameen Maleeshiya beeleed oo Gacan ka helaya AMISMO iyo Kooxda Shabaab”, waxaana sida muuqata ay dhiilo ka qabaan Warbaahinta Mooryaanta in Ciidamo dowladeed lagu sheego Cidamada Maamulka Nambar 50 oo Sanooyinkii lasoo dhaafey difaacanayey Sharaftooda.

Dhinaca kale waxa jirtey su’aal oo si aad ah uu uga caroodey Gudoomiye Waafow oo ahyed “miyaad xal u la’dihiin dagaalada Shabaab”, su’aashan ayaa u muuqata ujeedadeeda dhowr arimood waxaana ka mid ah in heshiis lala galo Shabaab ama leysku dhiibo waa sidey rabaan Tuugada dhul boobka ka wada Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE