Dhageyso Gudoomiyaha Nambar 50, Oo Weerar Ba’an Ku Qaadey Xil-Magooyayaasha K/galbeed “Ceeb Ayey Idin Kugu Tahay Inaad Na Sheegataan”

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Waafow ayaa weerar Afka ah ku qaadey Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Calooshooda u shaqeystaasha ah ee k/galbeed ku matala Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Mudane Waafow ayaa eedeymo kulul u jeediyeey Guud ahaan Maamulka Koonfur galbeed oo indhaha ka qabsadey dhibaatada Maleeshiyada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka Gobolka Shabeelada hoose, waxaana si gaar ah uu u eedeeyey Siyaasiyiin Magaca Shacabka Shabeelada hoose ugu jira Maamulka K/galbeed.

“Shacabkii ayaan badbaadineynaa ayaad leedihiin, hadaad dowlada dhexe tihiin waxaan idin ka dooneynaa ama idin weydiisaneynaa oo baaq ku aadan idin soo direynaa war shacabkii difaaciisa waajib idin saaran waaye war soo gurmada, dowlada waxaan leeyahay marwaliba as ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo, Xasan Cali Kheyre, Wasaaradda Aminga iyo Wasaaradda Gaashaadhigga inta maanta xil ka saaranyahay inay dalku difaacaan Xafiisaskooda waxaan u jeedinayaa dhibaatada socota waad u jeedaan, maxaad u sameyn la’dahay Gurmad”ayuu yiri Waafow.

“Intaan meel ka xageysa oo aan wax gaarsiin laheyn ma jirto meesha ugu dambeysa waan soo gaarsiiney dhibaatada dalka ka jirta, war miyaaneyn Soomaali aheynin dadkaan sidaan loo dhibaateenayo, oo habeen iyo maalin dhibaato lagu haayo 11, bilood ayey dhibaato socotaa oo halkan leysku haayaa dad Soomaali ah oo loosoo gurmado maahan miyaa, gaar ahaan waxaan eed u jeedinayaa Maamulka K/galbeed mas’uuliyiinta ku jira ee ka dhashay dadka deegaankan lagu dhibaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiye Waafow.

“War waxaan leeyahay K/galbeed waxba kuma haaysiin Kabahiina soo qaata dadkiina dhinac kasoo gala, dalka iyo dadka difaaca, Xabad Cirbad dhiig joojin ah hadaadu keeni karin, Kaniini aad u keeni karin war dhaawici hadaad usoo gurman karin oo aad qaadi karin maxaad xildhibaan ka tihiin , maxaad Wasiir ka tihiin, k/galbeed ha sheeganina Ceeyb ayey idin kugu tahay inaad dowlad sheegataan Maamul sheegataan” yauu hdalkiisa kusoo darey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE